Bruno Fernandes Oo Go’aansaday In Uu Isaga Huleelo Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes isaga tagi doono kooxda Man United xagaaga hadii ay Red Devils ku fashilanto in ay u soo baxdo champions League.

Burno ayaa ku soo biiray Man United suuqii January ee la soo dhaafay waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda wakhtiyadii ugu dambeeyay.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Portugal haysto dalabyo badan oo uga yimid kooxda reer Yurub waliba go’aansaday in uu isaga tago kooxda Man United laakiin waa hadii ay Red Devils ku fashilanto u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha xiisaha u qaba saxiixa xiddiga reer Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*