
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa bar-bareeyay rikoodhkii gool dhalinta ee Cristiano Ronaldo ee Premeir League ee Man United kadib bar-barihii ay United la gashay Leicester City.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa caawiye ka noqday kulankii Marcus Rashford ka hor inta uuna dhalin goolka 2-aad ee kooxdiisa Man United.
Goolkii Bruno Fernandes ayaa noqday goolkiis 10-aad ee xilli ciyaareedkan isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya 10 gool tan ilaa Cristiano Ronaldo.
Bruno Fernandes ayaa dhaliyay 10 gool 14-kii kulan ee uu ciyaaray isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale ilaa haatan.
Be the first to comment