Bruno Fernandes: Man United Waxay Ku Soo Cel-Celinaysaa Khaladaad Badan

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in ay Man United samayso khaladaad isku mid ah mar walba kadib bar-bariyii ay Man United la gashay Everton premier League.

Man United ayaa sii waday luminta dhibcaha kadib markii ay ku dhaafi wayday kooxda Everton kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kulan ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Bruno oo la hadlaya BBC ayaa yidhi”Waxa ay ahayd in aan badino kulanka, waxaliba aan samayno fursado ka badan intii aan samaynay”.

“Ma ahayn in sida nalooga dhaliyay goolka nalooga dhaliyo”.

“Ma ahan markii ugu horaysay ee sidaas gool nalooga dhaliyo, waa in aan joojino khaladaadka soo noq-noqonaya ee aan samaynayno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*