Bruno Fernandes Iyo United Oo Uusan Xaalka U Wacneyn, Pogba Ayaana U Sabab ah!

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in xiddiga United ee  Bruno Fernandes uu ka meer meerayo in hishiis  cusub u saxiixo kooxda , waxaana u sabab ah saaxibkiisa Pogba .

Fernandes ayaa soo  bandhigaya heer ciyaareed aad u wacan  tan iyo markii uu kooxdaas u yimid January sanadkii hore

Inkastoo hishiikiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2025-ka waliba uu jiro  doorasho sanad kale uu ugu sii dari karo ayay haatan kooxdiisa dooneysaa in hishiiskiisa sii dheereyaan iyadoo ay uga dhiganayaan abaal marin .

Wargeyska The Sun ayaa sheegeysa in United diyaar u yihiin in musharakiisa u kordhiyaan waa haddii hishiiska cusub uu saxiixo

Warka waxa uu intaas ku darayaa in laacibkaan uu ka meer meerayo in uu  hishiiskiisa uu kordhiyo .

Sababata ayaa lagu sheegay , shakiga weli hareynaya mustaqbalka saaxibkiisa Pogba xilli wiilka reer France qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga 2022-ka
Bruno ayaa doonaya in marka hore dhan loo rido mustaqbalka Pogba kaasi oo lala xariirinayo in uu bixi doono waliba kooxdiisa hore Juve ayaa isha ku haysa , waxa uuna doonayaa Bruno in Pogba iska sii garab ciyaarayaan .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*