Bruno Fernandes” Hal Arin Ayay Xilli Ciyaareedkaan Ka Siman Yihiin Ciyaartooyda Man United”

Qadka dhexe kooxda United ee Bruno Fernandes ayaa digniin culus u diray kooxda PSG ka hor kulanka Champion-ka

United ayaa marti ku ah kulan ka tirsan wareegga koowaad ee Group-yada Champion-ka kaasi oo ka dhacaya garoonka kooxda reer France

“Marka aad u ciyaareyso koox United oo kale ah kaliya waxa aad beegsaneyso waa in aad koobab kula guuleysato” ayuu yiri Fernandes

Wiilkaas reer Portugal waxa uu intaas sii raaciyay ma ogi in aan guul ka gaari doonno PSG balse fikirka United ayaa ah mid ku dhisan guul hadana guul , xaalka sidaas ayuu noqonayaa”.

” Arin wacan ayay noqon laheyd waana muhiim in aan xilli ciyaareedkaan koob qiimo leh ku guuleysanno, dhab ahaan waan dooneynaa arintaas”.

Bruno ayaa ugu baaqay saaxibadiisa in kulankaas ku galaan qaab xamaasad leh kaliyana ay eegtaan guul ay gaaraan.