Bruno Fernanades Oo Isha Ku Haya Rikoodh U Yaala Aguero, Gerrard, Kane & Xiddigo Kale.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga bisha markii 4-aad ee sanadka 2020.

Xiddiga reer Portugal ayaa haatan isha ku haya rikoodh u yaala Serguo Aguero, Steven Gerrard, Harry Kane, Robin Van Persie iyo Wayne Rooney.

Bruno ayaa wacdaro ku dhigaya kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray bishan oo kale sanadkii la soo dhaafay ee 2020.

Xiddiga Bruno Fernanades ayaa Abaalmarinta xiddiga ee bisha Premier League ku guulaystay 4 jeer tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Bruno ayaa haatan isha ku haya xiddigaha abaalmarinta ku guulaystay tirada ugu badan ee Agüero (7), Gerrard (6), Kane (6), van Persie (5) & Rooney (5).

Sidoo kale Bruno ayaa Abaalmarinta ku guulaystay in ka badan intii uu Cristiano Ronaldo ku guulaystay intii uu joogay kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*