Brighton Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Arsenal Ku Dhawdahay Saxiixa Ben White.

Kooxda Brighton ayaa beenisay wararka sheegaya in ay Arsenal kala heshiisay qiimaha saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White iyaga oo wali ku adkaysanaya in ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga.

Gunners ayaa doonaysa in ay daafac tayo leh ku soo darto kooxdeeda waxana ay doonayaa xiddiga Ben White oo 23 jir ah kaas oo ka mid ah daafacyada ugu fiican premier League.

Arsenal ayaa laga diiday laba dalab oo hore laakiin wargayska Football London ayaa saacadihii ugu dambeeyay sheegaya in ay Brighton aqbashay dalabkii 3-aad ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga oo dhan 50 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Argus oo ah ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ay kooxda Brighton beenisay wararkaas iyaga oo ku adkaysanaya in uu xiddigu ka mid yahay qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Brighton ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga reer England kaas oo haatan xulka qaranka England kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 inkasta oo uuna wax daqiiqado ah ciyaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*