Brighton Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Cusbaa Ee Ay Arsenal Ka Gudbisay Ben White.

Kooxda Brighton Ayaa Arsenal ka diiday dalabkii cusbaa ee ay Gunners ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Ben White.

Gunners ayaa Brighton miiska saartay dalab lacageed oo dhan 42 milyan oo euro oo halka hore ah iyo 3 milyan oo Guno ah sida laga soo xigtay wargayska The Sun.

White oo xulka qaranka England kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal laakiin Brighton ayaa doonaysa lacag 50 milyan oo dhamaan halka hore laga bixinayo.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay 45 milyan oo euro halka hore ka bixiso laakiin Brighton ayaa diiday arintaas iyaga oo ka war qaba in ay kooxo kale doonayaan saxiixa xiddiga.

Kooxaha Liverpool, Tottenham, Paris Saint-Germain & Borussia Dortmund ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga laakiin Arsenal ayaa ah kooxda uu xiddigu doonayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*