Brighton Oo Arsenal Siisay Faa’iido Kale Oo Ku Guulaysiga Premier League Ah.

Manchester City ayaa barbaro 1-1 ah la galay Brighton, ciyaar ka dhacday garoonka Etihad, taas oo ka tirsaneyd wareegga 21-aad ee horyaalka Ingiriiska Premier League, kulan ay labada kooxood muujiyeen loollan adag ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay kadib markii weeraryahanka reer Norway Erling Haaland uu gool ka dhaliyay rigoore daqiiqaddii 41-aad, taasoo sababtay in kooxda martida loo yahay ay ku dhamaystaan qeybtii hore iyagoo hoggaan ku jira, kadib markii ay si weyn u maamulayeen ciyaarta.

Qeybtii labaad ee ciyaarta, kooxda Brighton ayaa ku soo laabatay kulanka, kadib markii Kaoru Mitoma uu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 60-aad, isagoo ka faa’iideystay fursad weerar oo u timid kooxdiisa hortiisa goolka Manchester City.

Natiijadan kadib, Manchester City ayaa dhibcaha gaarsiisay 43 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, halka Brighton ay gaartay 29 dhibcood, kuna jirta kaalinta tobnaad ee jadwalka.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay Burnley iyaga oo bar-baro ku bilowday nolosha ka dambaysa Ruben Amorim.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga