Brentford Oo Man United Fariin Uga Dirtay Bryan Mbeumo

Wali waa suurtogal in Bryan Mbeumo uu sii joogo Brentford xagaagan, ayuu yiri agaasimaha kooxda iyadoo lala xiriirinayo Manchester United.

Agaasimaha kubada cagta ee kooxda Brentford Bees Phil Giles ayaa ku adkaystay in kooxdu ay sugayso dalabka saxda ah ee ciyaartoydeeda ayna ku sii hayn karaan xilli ciyaareedka soo socda hadii ay taasi ka iman waydo United ama Tottenham Hotspur – inkasta oo Mbeumo uu hal sano oo kaliya uga harsan yahay heshiiskiisa.

Mbeumo ayaa horay u muujiyay rabitaankiisa ku biirista Red Devils in ka badan fursada uu kula biiri karo tababarihii hore ee Thomas Frank ee Spurs.

Mbeumo ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 20 gool oo Premier League ah isaga oo kaalinta 4-aad ka galay gool dhalinta horyaalka premier League waxana uu isha ku hayaa in uu qaado talaabada xigta ee xirfadiisa ciyaareed.

Giles ayaa u sheegay BBC Sport: “Waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, waxa aanu filaynay xiiso weyn isaga, xiiso weyn ayaanu u qabnay isaga, waxa uu leeyahay fikirkiisa ku saabsan halka uu doonayo in uu xirfadiisa ciyaareed ka qaato”

“Ma ahan wax aan macquul aheyn inuu weli yahay ciyaaryahan Brentford xilli ciyaareedka soo socda haddii aan ku heshiino inuu sii joogo, koox kasta ayaa kuu sheegi doonta taas,” ayuu raaciyay.

“Hadii aysan ahayn heshiis sax ah, maxaan u samayn doonaa hubaal waa mid ka mid ah ciyaartoydayada ugu fiican, haddii aanu ahayn ciyaaryahankeena ugu fiican, waxaanan u baahanahay ciyaartoydeena ugu fiican, wax dhib ah ma jiraan inaad ilaaliso ciyaartoydaada ugu fiican.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga