Brazil Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawaca Neymar.

Xulka qaranka Brazil ayaa wadnaha farta ku haya xilli ay sugayaan natiijada baadhitaanka dhaawaca soo gaadhay Xiddigooda Neymar.

Neymar ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka Brazil guusha 2/0 ah ka gaadhay xulka Serbia kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa la kulmay jug badan intii ay socotay ciyaartu iyada oo ay xiddigaha Serbia khalad badan ku galeen intii ay socotay ciyaarto.

Xiddiga ayaa ka dhaawacmay kuraanta taas oo keentay in uu ciyaarta ka boxo iyada oo 12 daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka ciyaarta.

“Waxa bararay kuraanta lugta Midig”ayuu yidhi dhakhtarka xulka Brazil.

“Waa muhiim in la arko sida uu uga jawaabi doono daawaynta lagu sameeyay waxana aan arki doonaa waxa dhaca”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*