Brazil Oo Iska Xaadirisay Wareegga 4-ta Copa America, Chile Ayay Garaaceen Xilli 10 Ciyaartooy Ay Ku Dhameysteen

Brazil ayaa iska xaadirisay wareegga 4-ta ee tartanka Copa America waxa ayna ka gudbeen Chile ka dib ciyaar ay ku dhameysteen 10 ciyaartooy

Sheekada labada qeyb:Labada qaran ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Chile biloowgii ay xooganaayeen waliba goolhayaha Brazil ayaa fursado xaqiiq ahaa u diiday

Ka dib dhacadaas Brazil iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen oo Chile kubad daafac ah ah ayay ciyaarayeen

Brazil sahal ayay u aheyd in afka hore Chile gaaraan balse xalka ayaa ka maqnaa xilli Chile ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska waxa ayna ku fiicnaayeen soo rogaal celinta marka kubadda cagtooda ka baxdo

Brazil waxa ay ka sheegteen in ay abuuraan wax fursad xaqiiq  ah , waana ku adkeyd in ciyaartooyda Chile kala fur furaan , waxa ayna Brazil u baahnaayeen in boosaska u kala badalaan Firminho iyo Neymar si goosha si sax ah u tagaan maadaama wiilka Liverpool ay ka dhacsaneyd

Soo laabashadii ,Brazil  dar dar ayay ku soo galeen waxa ayna durba heleen gool uu ka shaqeeyay Neymar waxaana xoog ku dhaliyay Lucas Paqueta daqiiqadii 47-aad  balse farxadaas waxaa raacday murugo ka dib markii Jesus kaarka casaanka la siiyay ka dib markii uu si qalad lugta xabadka uga taakeeyay xiddig Chile ah  waxaana la saaray daqiiqadii 50-aad

Brazil kama aysna qaadin niyad jab kaarka casanaka balse waa u nuglaayeen goolka bar bard haac mara la eego sida Chile ay u dadajinayeen ciyaarta  waxa ayna Chile dhaliyeen gool daqiiqadii 61-aad balse VAR ayaa diiday sababo la xaiira Offside .

Dhamaadkii , Chile aad ayay u weerar tageen,  kubado gantaalo ahna waa ay ku laadayeen goosha Brazil balse goolhayaha ayaa hor taagnaa  xilli saaxibada Neymar difaac galeen

Chile si waliba ayay u dagaalameen iskuna balaariyeen garoonka balse nasiibka iyo dhameystirka ayaa ka maqnaa waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Brazil isaga xaadiriyeen wareegga 4-ra ee Coppa America

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*