Brazil Oo Finalka Copa America Iska Xaadirisay Iyo Neymar Oo Doortay Qaranka Uu Doonayo In Finalka Isku Arkaan

Brazil ayaa iska xaadrisay finalka Copa America a dib ciyaar adag oo uga hor tageen Peru oo ay ugu dambeyn uga  talaabsadeen hal gool oo nadiif ah

Cawin cajiib ah oo uu sameeyay Neymar ayay daqiiqaidi 35-aad ku heleen goolka guusha kaasi oo uu dhaliyay Lucas Paqueta

Guud ahaan ciyaarta labada qaran waa ay u furneyd balse labada goolhaye ayaa dhigay wacdaro

haatan Barzil wax au sugayaan cidda soo abxda Argentina iyo Colombia kuwaasi oo habeenka salaasada ciyaara

Neymar oo ak dib kulankaas hadlay ayaa yiri ” dhaman ciyartooyda Brazil waxa ay doonayaan in Argentina ku arkaan finalka

Brazil ayaa hamineysa in ay ku guuleysto koobkeedii 10-aad ee Copa America

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*