Bournemouth Oo Garaacday Arsenal Hadiyad Qaali Ahna U Diray Man City.

Arsenal ayaa guuldarro niyad jab leh kala kulantay kooxda martida u ahayd ee Bournemouth, iyadoo lagu garaacay 2-1, kulankii wareegga 32-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo maanta oo Sabti ah ka dhacay garoonka Emirates Stadium.

Arsenal dhibcaheedu waxa uu ku ekaaday 70 dhibcood, iyagoo wali hoggaanka haya, balse si ku meel gaar ah uga horreeya Manchester City 9 dhibcood, halka City ay laba kulan ka yar ciyaartay. Dhanka kale, Bournemouth ayaa kor u qaaday dhibcaheeda oo gaartay 45 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta sagaalaad.

Bournemouth ayaa hogaanka qabatay daqiiqaddii 17-aad, gool uu dhaliyay Eli Kroupi, halka Arsenal ay barbaraha keentay daqiiqaddii 35-aad, gool rigoore ah oo uu dhaliyay Viktor Gyökeres.

Daqiiqaddii 74-aad, Bournemouth ayaa dhalisay goolka guusha kadib weerar degdeg ah, kaas oo ku dhammaaday kubad uu bixiyay Evanilson oo gaartay Alex Scott, kaas oo si xirfad leh kubadda ugu dhaliyay shabaqa isagoo ku dhex jira xerada ganaaxa.

Manchester City ayaa la ciyaari doonta Chelsea fiidnimada Axadda, isla wareeggan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga