Borussia Dortmund Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Arsenal.

Wargayska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Borussia Dortmund ay bartilmaameedsanayso saxiixa xiddiga reer Belguim ee Leonardo Trossard, garabka Arsenal inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in maamulka Arsenal aysan weli go’aan ka gaarin ogolaanshaha ciyaaryahanka inuu baxo, maadaama qandaraaskiisa haatan ee kooxda ka dhisan London uu dhacayo xagaaga 2026.

30-sano jirkaan ayaa doonaya inuu ka fiirsado dookhyadiisa kala duwan iyadoo ay jiraan kooxo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan kuwa ka ciyaara horyaalka Sacuudiga kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Waxaa xusid mudan in saxiixyadii xagaaga ee Arsenal ee Victor Gjokers iyo Noni Madueke ay keeni karto in laacibku uu ka fikiro inuu ka tago kooxda si uu u helo waqti badan oo uu ciyaaro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga