Borussia Dortmund Oo Muujisay Cadayn Kale Oo Muujinaysa In Uu Jadon Sancho Isaga Tagi Doono Kooxda Xagaaga.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa soo bandhigtay cadayn kale oo muujinaysa in uu xiddiga Jadon Sancho isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan suuqa xagaaga.

Xiddiga Jadon Sancho ayaa laga reebay Xiddigaha soo bandhigay ama lagu xayaysiiyay maaliyada kooxda ee Xilli ciyaareedka dambe taas oo dabka ku sii shidayda warar ka la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda.

Kooxda Borusia Dortmund ayaa soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee xilli ciyaareedka dambe waxana Liiska xiddigaha soo bandhigay maaliyad ka muuqday xiddigaha Erling Braut Haaland, Marco Reus iyo qaar kale oo badan.

Laakiin Sancho ayaa ahaa xiddiga ugu cad-cad ee laga dhex wayaay soo bandhigista maaliyada kooxda.

xiddiga 20 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Borussia Dortmnd xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool 17 kalena caawiye ka noqday 32 kulan oo uu ciyaaray.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda kaliya ee lala xidhiidhinayo xiddigii hore e Man City xilli ay jiraan warar sheegaya in ay Red Devils kaliya diyaar u tahay in ay 50 milyan ka bixiso xiddiga.

Sii Akhriso: Wasiirka Arimaha Dibada Taiwan Joseph Wu: Somaliland Waa Wadan Madax-Banaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*