Borussia Dortmund Oo Man United U Qabatay Wakhti Kama Dambays Ah Hadii Ay Doonayso Saxiixa Xiddiga Jadon Sancho.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay kaliya Dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga Jadon Sancho ilaa dhamaadka bishan haatan lagu jiro ee July.

Tan iyo bilowgii sanadka, ciyaaryahanka reer England ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo kooxda ka ciyaarta Premier League ay weli ugu cadcadahay saxiixa 20 jirka ah hadana waxa la sheegayaa in ay kaliya diyaar u tahay in ay ka bixiyaan 50 milyan oo euro taas oo ah lacag aad uga hoosaysa lacagta ay Dortmund doonayso.

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund ee Ruhr Nachrichten ayaa kooxaha doonaya saxiixa Jadon Sancho u sheegay in ay kooxdiisu diyaar u tahay in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga ilaa inta laga gaadhayo dhamaadka bisha July.

Inkasta oo aan wali la shaacin wakhtiga la bilaabi doono xilli ciyaareedka cusub ee bundesliga hadana maamulka Dortmund ayaa doonaya in mustaqbalka xiddiga la xaliyo sida ugu dhakhasaha badan.

Heshiiska sancho ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana ay la macno tahay in ayna Kooxdu si dhib yar ku iibin doonin xiddiga ugu fiican kooxdeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*