Borussia Dortmund Oo Man United & Liverpool U Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Jadon Sancho

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay aqbasho lacag dhan 80 milyan xagaagan si ay u iibiso xiddiga Jadon Sancho.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagii oo dhan xagaagii hore, laakiin Red Devils ayaa diiday inay bixiso lacagtii lagu iibinayay xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Dortmund ayaa wajahaysa in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe waxana Sancho lala xidhiidhiayaa in uu ka tagayo koxda.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Dortmund diyaar u tahay in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 80 milyan oo euro si ay uga kabsato xaalada dhaqaale xumo ee uu xanuunka Korona sababta u noqday.

Warkan ayaa heegan galiyay kooxda Man United iyo Liverpool kuwaas oo ah labada kooxood ee sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga Sancho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*