Borussia Dortmund Oo Magacawday Halka Koox Ee Si Dhib Yar Ula Saxiixan karta Erling Haaland.

Maamulaha guud ee Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda kaliya ee si dhib yar ula saxiixan karta xiddiga weerarka uga ciyaara ee Erling Haaland.

Xiddiga Erling Haaland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Borussia Dormund iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah oo doonaya saxiixa xiddiga.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, PSG Man United iyo Man City ayaa ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga 21 jirka ah ee qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira.

Hans-Joachim Watzke ayaa yiri: “Waxba kama naqaan dhanka ciyaaryahanka, laakiin waxaan ognahay in aanan awoodi doonin inaan sii haysano xiddiga hadii ay Man City dalab ka gudbiso saxiixiisa”.

“Horay ayay noogu dhacday markii ay Bayern Munich la wareegtay Lewandowski sidoo kale Arsenal la wareegtay Aubameyang”ayuu Watzke hadalkiisa sii raaciyay.