Borussia Dortmund Oo Kashiftay Kooxda Uu Haaland Doonayo In Uu U Ciyaaro

Agaasimaha Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa qiray in Erling Braut Haaland uu xiiseynayo in uu ku biiro Real Madrid.

Haaland ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxo kala duwan xagaagii, iyadoo kooxaha Chelsea, Manchester United, Bayern Munich iyo Real Madrid dhamaantood doonayay saxiixa xiddiga.

Inkasta oo si weyn loo hadal hayay mustaqbalka xiddiga reer Norway hadana xiddiga ayaa iska sii joogay Dortmund waxana uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 8 gool tartamada oo dhan.

Laakiin agaasimaha Dortmund Watzke ayaa qirtay in u dhaqaaqista Real Madrid ay tahay mid xiiso galinaya weeraryanka wakhtiga soo socda.

“Waxa uu leeyahay shaqsiyad madaxbanaan, laakiin mar un waxa uu u ciyaari doonaa mid ka mid koxaha ugu waaweyn adduunka, laakiin waxa aan hubaa in uu xiisaynayo Real Madrid”ayuu Watzke u sheegay Sport1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*