Borussia Dortmund Oo Kashifay Waxa Uu Aqbalay Jadon Sancho, Ma Ahan War U Fiican United.

Kooxda Man United ayaa dhirbaaxo cusub kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Jadon Sancho kadib hadal ka soo yeedhay agaasimaha kooxda Borussia Dortmund.

Red Devils ayaa ku rajo weynayd in ay hesho xiddiga Jadon Sancho oo bartilmaameedka 1-aad u ah Ole Gunnar Solskjaer oo lagu qiimeeyo 110 milyan oo euro.

Laakiin wargayska reer Germany ee Süddeutsche Zeitung ayaa sheegay in ay u badantahay in uu Sancho sii joogi doono Dortmund.

Agaasimaha kooxda Hans-Joachim Watzke ayaa laga soo xigtay isagoo leh: “Ilaa iyo hada wax xiriir ah oo ka dhexeeya Borussia Dortmund iyo Manchester United kuna saabsan Sancho”.

“Hadii ay noqoto mid toos ah ama mid dhex-dhexaadin ah”.

Agaasimaha Isboortiga Michael Zorc ayaa sidoo kale ku daray: “Waxaan u maleynayaa in Jadon uu tagi doono xerada tababarka Isniinta isla markaana uu nala joogi doono xilli ciyaareedka dambe”.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa doonaya qiimaha oo dhan ama ayna jiri doonin wax saxiix oo dhici doona “Ma filayo wax adag”.

“Jadon waa aqbalay taas, waa nin wanaagsan, cadaalad badan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*