Borussia Dortmund Oo Garaacday 10 Xiddig Oo Wolfsburg Cadaadiskana Ku Sii Haysa Bayern Munich

Kooxda Borussia Dortmund ayaa garaacday kooxda Wolfsburg kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka Bundesliga kana dhacay garoonka Volkswagen Arena.

Kooxda Wolfsburg oo 10 xiddig ku dhamaystay ciyaarta ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Dortmund kuwaas oo sii wada baacsiga ay ku hayaan hogaamiyayaasha horyaalka.

Kulanka ayaa haa Mid adag oo ayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar qurux badan inkasta oo Dortmund maamulaysay dhanka kubad haysashada ciyaarta.

Daqiiqadii 32-aad ayay Dortmund dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Raphael Guerreiro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Dortmund hogaaminayso dhanka natiijada iyo waliba dhanka Qaab ciyaareedka kulanka.

Advertisements

Qaybtii dambe ayay Dortmund ku soo gashay ciyaarta iyaga oo raadinaya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen ciyaarta ka hor inta ayna kooxda Wolfsburg dib ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay Dortmund dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Achraf Hakimi kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Daqiiqadii 80-aad ayuu kooxda Wolfsburg xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Felix Klaus kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig oo kaliya.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Dortmund guul qiimo leh ka gaadhay kulanka cadaadiskana ku sii haysay kooxda Dortmun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*