Borussia Dortmund Oo Fariin U Dirtay Kooxaha Doonaya Erling Haaland Xilli Wakiilka Xiddigu La Kulmay Real Madrid, Barcelona Lana Kulmaya Kooxaha Premeir League.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Wakiilka Erling Haaland ee Mino Raiola u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu wakiilka xiddigu la kulmay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid haatana la kulmi doono 4 kooxood oo premier League.

Mino Raiola iyo Aabaha dhalay Haaland ayaa shalay la kulmay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona si ay xiddiga u helaan suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sidoo kale wakiilka xiddiga ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda la kulmo kooxaha Liverpool, Man City, Chelsea iyo Man United kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Norway.

Laakiin Dortmund ayaa sheegtay in uuna xiddigu ahayn iib suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo ka jawaabaya wararka sida weyn ugu hareeraysan mustaqbalka xiddiga da’yarka ah.

Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa sheegay in uuna xiddigu iiba ahayn marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Michael Zorc oo la hadlaya Sky Germany ayaa yidhi”Waan la hadlay Raiola shalay, waxana aan si cad ugu sheegnay go’aankeena”.

“Waxa aan qorshaynaynaa mustaqbalka fog ee kooxda kamana hadalno wararka xanta ah”.

“Waxa aan arkaa in uu Haalanad nala sii joogi doono muddo dheer”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*