Borussia Dortmund Oo Dagsatay Qorshe Ay Jadon Sancho Uga Hor Istaagayso In Uu Ku Biiro Man United.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay Jadon Sancho u soo bandhigi doonto heshiis cusub oo uu mushahar sare ku qaadan doono si ay uga hor istaagto in uu ku biiro Man United.

Maalinta Isniinta ayaa noqon doonta maalintii ugu dambaysay ee ay Borussia Dortmund u sheegtay United in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Labada kooxood ayaa joojiyay wadahadalada sabab la xidhiidha qiimaha sare ee ay Dortmund ku dalbanayso xiddiga xilli lagu jiro wakhti adag oo dhanka dhaqaalaha ah.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Dortmund xiddiga Jadon Sancho ka saxiixan doonto heshiis cusub oo ay todobaadkii u siin doonto laba jibaarka lacagta 190-ka kun ee uu xiddigu haatan qaato.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Sancho oo kooxda haatan 6 milyan ka qaato kooxda sanadkii kor ugu qaadi doono 10 milyan oo euro sanadkii.

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*