BOQORADA ENGLAND: Liverpool Oo Noqotay Kooxda Ugu Koobabka Badan England Kadib Ku Guulaysigii EUFA Super Cup-ka

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay rikoodhayaal kaga qaaday Chelsea kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Istanbul xilli labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Liverpool oo ku guulaystay Champions League ayaa markii 4-aad ee taariikhdeeda ku guulaystay koobka UEFA Super Cup-ka iyaga oo rikoodhayaal 5/4 ah kaga qaaday Blues.

Kadib ku guulaysiga koobkaas Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxda ugu koobabka badan dalka England kulamada Rasmiga ah iyaga oo dhaafay kooxda Man United oo ay bar-baro ahaayeen.

Liverpool ayaa ku guulaystay koobkeedii 46-aad ee Rasmiga ah iyaga oo dhaafay kooxda Man United oo ku guulaystay 45 koob oo rasmi ah taariikdeeda.

Liverpool ayaa ku guulaystay: 18 Horyaal, 7 FA Cup, 8 Carabao Cup, 6 Champions League, 3 Europa League, 4 Super Cup sidaasna ku yeelatay 46 koob.

Advertisements

Man United ayaa ku guulaysatay: 20 Horyaal, 12 FA Cup, 5 Carabao Cup, 3 Champions League, 1 European Cup-Winners’ Cup, 1 Europa League, 1 UEFA Super Cup iyo 1 ntercontinental Cup Iyo 1 Clup World Cup sidaasna ku yeedhay 45 koob.

2 Comments

  1. beenta meesha lagu soo qorayo iska daaya liverpool haddii 20 sano hadda kadib masoo gaarayso ninka web kaan wax kusoo qoray liverpool buu taageeraa sidaan uga jeedo
    taariikh soo aqyri kadib dadka wax u sheeg

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*