Bonucci Oo Ku Shactareystay Taageerayaasha Ingiriiska, Maxuuna Yiri Ka Dib Goolkii Bar-bar Dhaca Ee Uu Dhaliyay

Xiddiga Italy ee Leonardo Bonucci ayaa carabka ku adkeeyay in uu ku raaxeysanayay jawiga colaadeed ee ka jiray garoonka Wembley

Laacibkaas ayaa Italy u dhaliyay goolka bar bar dhaca xilli ugu dambeyntiina la aaday rigooro tuursho ay Italy ku badiyeen kuna qaadeen koobkii labaad  ee qaramada yurub taariikhooda

Channel-ka RAI ee Italy ayuu Leonardo Bonucci ka yiri” riyo ay Italy ku taameeysay ayaa inoo rumoowday, kalsooni aan muujinay ayaa u sabab aheyd guusha”.

” Taageerayaasha Italy kama badneyn 7 kun , Wembley oo idil Ingiriiska ayuu ahaa balse sidii aan rabnay ayay wax u dhaceen”.

” Xaraarad ayay laheyd in aan aragno 58 kun taageero Ingiriis ah oo ka baxaya garoonka inta aan nala gudoonsiin koobka” ayuu sii raaciyay Leonardo Bonucci

Intaas kuma joogsan Leonardo Bonucci”  intii is kuleeleynta ku jirnay waxaan iri , waxaa garoonka ka socda waa fowdo , taageerayaasha waa is xakameeyeen  kuwo Ingiriiskana abaalkooda ayaan marsiinay”

Leonardo Bonucci ayaa ka dib goolkii uu dhaliyay waxa uu tagay kaamirada isaga oo ku qaylinayay , baasto badan ayaan rabnaa , waxaan rabnaa baasto aan cunno” waxa uuna oganlahaa laacibka daadaansiga taageerayaasha intii uu socday kulanka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*