Bernd Leno Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Ka Tagayo Arsenal.

Goolhayaha Arsenal Bernd Leno ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo in uu ka tago kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tababare Mikel Arteta uu qorsheynayo isbadal weyn xagaagan, iyadoo Leno lagu daray magacyada kuwa ka tagi kara kooxda wakhtiga soo socda.

Laakiin Goolhayaha ayaa haatan ka jawaabay wararkaas isaga oo sheegay in uu diirada saarayo sidii uu u sii joogi lahaa kooxda Arsenal.

“Ma doonayo inaan halkaan ka cararo, waan ku faraxsanahay kooxda waxaana doonayaa inaan markale guulo la gaaro Arsenal! Arsenal waa koox weyn, oo aad looga yaqaano Germany waxaa jira taageerayaal badan oo Arsenal ah adduunka oo dhan” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Sport1.

“Wali waxa aan Arsenal kula jiraa heshiis 2 sano ah waxana aan doonayaa in aan Arsenal mar kale kala ciyaaro champions League”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*