Benfica Oo Sii Murjisay Xaaladda Koeman , Barcelona Ayay Soo Xasuuqeen

Ka dib ciyaar maskaxeysan oo ay soo bandhigeen , Benfica ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Barcelona oo marti u aheyd waxa ayna uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah.

Sheekada ciyaarta: Gool waqti hore laga dhaliyay Barcelona ayaa xaaladda ku adkeeyay waxa ayna Benfica ciyaareen kubad taxadar badan uu ku jiro waxa uuna goolkooda yimid daqiiqadii 3-aad ee biloowga ciyaarta

Ka dib dhacdooyinkaas , Barcelona waxa ay qasaariyeen laba fursad oo xaqiiq ah waxaana sidaas sameeyay Luuk De Jong

Barca kubadda waa ku badnaayeen balse in si sax ah u gaarsiiyaan goosha ayaa ka maqneyd xilli Benfica rogaal celis ay ku cabsi gilinayeen Barcelona

Benfica daafac isku xeran ayay ciyaareen waxa ayna Barca u diideen in ay helaan dal daloolo ay kubadda marsiiyaan , waxaana lagu nastay halkaas gool , waxa ayna Barca daqiiqadii 33-aad soo giliyeen Pablo Gavira  oo loo saaray Gerard Pique

Biloowga qeybta labaad , labada koox kubadda waa u furneyd balse ma jirrin wax muuqda oo ay isku sameeyeen balse Barca ayaa dar dar badneyd .

Barca kubadda waa ku badneyd balse deg degsiimo ayaa qasaarineysay xilli Benfica xalkooda kaliya uu ahaa kubadaha weerarka celiska ah

Barca xalka ayaa ka maqnaa , marka  kubad weerarna lagu helo halis ayay galayeen xilli daqiiqadii 68-aad soo giliyeen  Gonzalez,Philippe Coutinho iyo Fati balse gool ayaa daqiiqadii 69-aad lagu soo dhaweeyay kaasi oo qaladkiisa daafac lahaayeen.

Ka dib Barca , waa la weeraray ilaa qalad lagu qasbay in ay galaan taasi oo rikoore loogu dhigay kooxda Benfica waa ayna dhaliyeen daqiiqadii 79-aad , waxa  uuna goolkaas sii xumeeyay xaaladda mustaqbalka macalinka Barcelona

Guud ahaan Barcelona waxaa qeybta labaad ku adkaa in xitaa kubad sax ah ku abuuraan goosha Benfica waxa ayan u muuqdeen kuwo jir ahaan daalay .

Wax waliba waa sii xumaadeen , waxaa Barca daqiiqadii 88-aad kaarka cas laga siiyay E. Garcia , waxaana xusid mudan in guud ahaan Barca ay liiteen , Benficana ay mudnaayeen guushaas sedexda gool aheyd

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*