Belotti, Kante, Ings, Aubameyang, Coutinho, Willian, Setien & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Weeraryahanka Man United ee Mason Greenwood ayaa heli doona heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadan doono 40 kun oo Gini todobaadkii (Sun).

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay miiska saarto lacag dhan 40 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso 17 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Joelson Fernandes (A Bola).

Kooxda chelsea ayaan wali wax talaabo ah u qaadin saxiixa Goolhayaha Amaahda uga maqan Man United  ee Dean Henderson (Express).

Kooxda Zenit St Petersburg ayaa diyaar u ah in ay dalab 9 milyan ah ka gudbiso xiddiga Daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Dejan Lovren (Mail).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dalab dhan 115 milyan ah dul dhigtay madaxa xiddiga Jadon Sancho kaas oo lala xidhiidhinayo Man United (Express).

Xiddigaha kooxda Barcelona ayaa maamulka kooxdooda u sheegay in ay doonayaan in uu tababarhaa noqdo xiddigii hore ee kooxda Patrick Kluivert shaqadana ka badalo Quique Setien (Mundo Deportivo).

Kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in ay is dhaafsadaan xiddigaha Matteo Guendouzi & Philippe Coutinho suuqa xagaaga (Mail).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa weeraryahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti kaas oo ay doonayso in ay u dhaqaaqdo suuqa xagaaga (Mail).

Kooxda Man City ayaa loo sheegay in ay 109 milyan oo euro miiska saarto hadii ay doonayso saxiixa daafaca kooxda Atletico Madrid ee José Giménez (Times).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa kooxdiisa u sheegay in ay kooxda u keenaan xiddiga khadka dhexe ee Kai Havertz (Express).

Arsenal ayaa wali wadahadalo kula jirta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian (Star).

Dhanka kale Willian Ayaa qirtay in uu isla daqiiqad ku saxiixi doono heshiis cusub oo chelsea ah hadii ay kooxdu la kulanto dalabkiisa (Star).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Watford ee Ismaila Sarr kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya Man United (Mirror).

Kooxda Valencia ayaa Man City u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Ferran Torres (Sun).

Halyeeyga Arsenal ee Martin Keown ayaa Arsenal u sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Danny Ings hadii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka tago kooxda (Sun).

Baacsigii ay Inter Milan ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa la sheegayaa in uu bur-buray sabab la xidhiidha dalabka mushahar ee xiddiga (Sun).

Sii Akhriso:DEG-DEG: Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho & Dadka Oo Dumar U Badnaa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*