Bellingham Oo Fariin U Diray Mbappe Kadib Guushii Champions League

Jude Bellingham ayaa ku booriyay Kylian Mbappe inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Yurub ee Real Madrid.

Bellingham ayaa wax laga weydiiyay xiddiga ka tagaya PSG xilli ay Real u dabaal dageysay guushii ay ka gaartay Champions League.

Waxa uu yidhi, “Ma garanayno in taasi dhici doonto hubaal!

“Laakin hadii ay arintu dhacdo (in Mbappe uu ku biiro) markaas way fiicnaan lahayd, ciyaartoy isaga oo kale ah… Waxaan filayaa in caawa aanu aragnay waxa kaliya ee aanu u baahanahay in uu yahay weeraryahan dhab ah heer kale ayay ina geyn lahayd”

“Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga