Belgium Oo Guul Adag Ka Gaartay Canada Xilli Rigoore Laga Qabtay

Inkastoo bandhig wacan ay sameeyeen  Canada hadana guul darro ayay kala kulmeen Belgium kuwaasi oo hal gool ku garaacay reer Canada

Sheekada qeybta hore : Belgium ayaa nasiinada ugu dirtay Canada hal gool oo nadiif ah balse cashar ayaa loo dhigay saaxibada De Bruyne .

Canada kubad xamaasad leh , deg degsiimo iyo geesinimo leh ayay soo bandhigeen qeebta hore , iyaga ayaana ka wacnaa qaranka Belgium

Rigoore ayaa laga qabtay Holland , fursado goolal xaqiiq ahna waa qasaariyeen halka Belgium ku adkeyd in kubadda gaarsiiyaan afka hore ilaa midkii goolka oo waqtigi geerida yimid kaasi oo dhashay daqiiqadii 44-aad waxaana saxiixay . Batshuay halka Canada rigoorada uu qasaariyay A. Davies

Belgium waxaa ka muuqday qaladaad ah in ciyaartooyda ka tagayeen boosaskooda , waana ku adkeyd in kubadda reer Canada ka qaataan kuwaasi oo aad u xooganaa .

Soo laabashadii , is badel ma jirrin , Canada waa  fiicnaayeen ,  balse Belgium ayaa ku fara dhuubneed maamulka  iyo halista

Belgium , goaan qaadasho qaldan ayay ka sheeganayeen marka ay tagaan afka hore balse Canada waa ka fur furnaayeen kuwaasi oo dhankooda u muuqday kuwo daalay.

Dhamaadkii Canada waa fiicnaayeen kaliya dhameystirka ayaa ka maqnaa oo fursado ayay qasarainayeen , waxaana muuqata in saaixbada Hazard daafac ahaan ay liiteen

Guud ahaan ciyaartaas waxa ay ku dhamaatay halkaas gool ee Canada lagu garaacay inakstoo bandhig wacan ay muujiyeen

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*