beIN SPORTS Oo Kashiftay Kooxda Uu Lionel Messi Doonayo In Uu Ku Biiro & Sababta Ka Dambaysa Rabitaankiisa.

Shabakada beIN SPORTS qaybteeda luuqada Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday go’aanka ku aadan mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ee ku biirista kooxda PSG.

Lionel Messi ayaa wakhtigii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay ka tagista kooxda Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo ay PSG Ka mid tahay.

beIN SPORTS ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in uu Lionel Messi doonayo in uu ku biiro kooxda PSG xagaaga si uu uga garab ciyaaro xiddigaha Kylian Mbappe iyo Neymar xilli ciyaareedka dambe.

Neymar ayaa Messi kaga soo garab ciyaaray kooxda Barcelona muddo 3 sano ah oo uu joogay kooxda reer Spain ka hor intii uuna ku biirin kooxda PSG.

Dhanka kale Mbappe ayaa dhankiisa ka mid ah xiddigaha u soo kacaya kubada cagta isaga oo ku guulaystay koobka adduunka sidoo kale gaadhay final-ka champions Leageu.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*