BBC-da Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Premier League Sanadka 2020

Dhamaadka sanadka 2020 ayay Saacado yar inaga xigaan iyada oo la soo afjari doono sanadka 2020 iyada oo sanadkan noqday mid aad ugu adag kubada cagta.

Laakiin horyaalka premier League ayaa u babac dhigay waliba ay jiraan xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadka 2020.

Kooxda Liverpool aya markii ugu horaysay 30 sano ku guulaystay premier League halka ay Aston Villa maalintii ugu dambaysay ka badbaaday in ay ka hadho premier League.

Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican premier League sanadka 2020 iyaga oo soo xushay 11-ka xiddig ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 6 xiddig halka kooxda Aston Villa ku leedahay 2 xiddig.

Kooxaha Man United, Everton iyo Tottenham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican sanadka 2020 ee horyaalka premier League.

Garth's Team of the Year

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*