Bayern Munich Vs Barcelona: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Caawa

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonta Bayern Munich Quarter-Final-ka champions League habeen Caawa oo jimce ah iyada oo labada kooxoodba doonayaan in ay iska xaadiriyaan Wareega Semi-final-ka tartanka.

Labada kooxood ayaa soo galay kulanka iyaga oo si xoogan u soo dhaafay wareega 16-ka kadib markii ay kala garaaceen kooxaha Chelsea iyo Napoli.

Labada kooxood ayaa haysta xiddigaha ugu fiican kubada cagta kuna jira qaab ciyaareed fiican waana xiddigo saamayn ku yeelan kara kulanka daqiiqad kasta.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo isticmaalaya kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Bayern Munich ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig haka kooxda Barcelona ku leedahay 4 xiddig oo kaliya.

Combined XI: BAY vs. BAR

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*