Bayern Munich Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Barcelona, 4 Xiddig Ayay Ka Doonaysaa.

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay weerar aan caadi ahayn ku qaado kooxda Barcelona lana soo saxiixato 4 xiddig oo kooxda reer Catalan ah.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Bayern Munich doonayso in ay Barcelona kala soo saxiixato 4 xiddig oo kooxda 1aad ah si ay ugu xoojiso kooxdeeda xagaaga dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Bayern Munich doonayso saxiixa xiddigaha Frenkie De Jong, Marc-Andre ter Stegen, Pedri & Sergino Dest marka la gaadho suuqa xagaaga.

Kooxda Bayern Munich ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay ka faa’iidaysato xaalada dhaqaale xumo ee kooxda Barcelona lana wareegto xiddigaha ugu muhiimsan Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ku qasbanaan karto in ay iibiso xiddigaha hadii ay kooxdu ku sii jirto xaalada dhaqaale xumo bilaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*