Bayern Munich Oo Philippe Coutinho Ka Qaaday Lambarka No.10 & Leroy Sane Oo Sabab U Ah.

Wararka ka imanaya dalka Gerany ayaa sheegaya in ay kooxda Bayern Munich Lambarka No.10 ka qaaday xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho si uu kooxda ugu xidho xiddiga Leroy Sane kaas oo qarka u saaran in uu ku biiro kooxda.

Wargayska Sports Bild ayaa sheegaya in ay Bayern Munich dhigeeda Man City kala heshiisay dhamaystirka saxiixa Leroy Sane kadib wadahadalo muddo dheer socday.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Leroy Sane kooxda Bayern Munich u qaadan doono Lampard No.10 oo uu kooxda haatan u xidhi Philippe Coutinho.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uu Coutinho la sii joogi doono Bayern Munich ilaa inta uu ka dhamaanayo xilli ciyaareedkan champions League kadib inta uuna ku laaban Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa heli doona Lambarka No.7 marka uu Sane sida Rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa maalmaha yar ee soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*