Bayern Munich Oo Markii 20-aad Ku Guulaystay Koobka Germany Ee DFB-Pokal

Kooxda Bayern Munich ayaaa Markii 20-aad ee taariikhdeeda Ku Guulaystay Koobka Germany Ee DFB-Pokal kadib guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda Bayer Leverkusen final-ka tartanka.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha David Alaba, Serge Gnabry Iyo Robert Lewandowski (2) ayaa Bayern Munich ka caawiyay in ay ku guulaysto koobkii 2-aad ee xilli ciyaareedkan.

Kadib guushaas kooxda Bayern Munich ayaa markii 20-aad ee taariikhdeeda ku guulaystay koobka Koobka Germany Ee DFB-Pokal iyaga oo sii wada awood u sheegashada kooxaha reer Germany.

Kooxda Bayern Munich ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ahaa kooxda fiican ee kulanka inkasta oo ay dhawr xiddig dhaawac ku waayeen.

Dhanka kale kooxda Bayer Leverkusen oo iska caabin samaysay ayaa dhalisay 2 gool oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha Sven Bender & Kai Havertz.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*