Bayern Munich Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Sadio Mane

Bayern Munich ayaa xiddiga Liverpool Sadio Mane ka dhigatay bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Mane ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bundesliga, Bild ayaana haatan sheegaysa in 30-sano jirkaan wakiiladiisa ay kula kulmeen kooxda Bayern Magaalada Mallorca si ay uga wadahadalaan heshiiska.

Si kasta ha ahaatee Mane oo heshiiskiisa Liverpool dhici doono 2023 ayaa sheegay in uu diirada saari doono Final-ka champions League ee sabtida.

Mane ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool waxana lala xidhiidhinayaa Bayern kadib 6 sano oo uu joogay Anfield.

Bayern Munich ayaa la sheegayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Mane inkasta oo uu sidoo kale xiiso ka helayo kooxda PSG.

Bayern ayaa aad u doonaysa in ay la soo saxiixato Mane xagaagan iyaga oo u doonaya badalka Robert Lewandowski oo ku biiri doona Barcelona.