Bayern Munich Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Man United Ee Kingsley Coman

Kooxda Bayern Munich ayaa Man United u sheegtay in uuna iib ahayn xiddiga garabka ka ciyaara ee Kingsley Coman inkasta oo uu xididga reer France u furanyahay in uu u dhaqaaqo Old Trafford sida ay shegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa Man United u noqday bartilmaameed ka jaban Jadon Sancho kaas oo ay Dortmund ku iibinayso lacag ka badan 100 milyan oo euro.

Coman ayaa ka baxay shaxda joogtada ah ee Bayern Munich waxana xaalkiisa sii xumaynaya imaatinka Leroy Sane waxana la sheegayaa in ay Man United wadahadalo la qaadatay Bayern Munich ku aadan xiddiga.

Laakiin Sky Sport qaybtiisa Germany ayaa sheegaya in ayna maamulka Bayern Munich Coman u ogolaan doonin in uu isaga tago kooxda marka la gaadho suuqa xagaaga waliba xiddig muhiim ah u arkaan xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*