Bayern Munich Oo Ka Fal Celisay Xiisaha Thomas Tuchel Ee In Uu Tababare U Noqdo Barcelona.

Bayern Munch ayaa meesha ka saartay wararka Thomas Tuchel la xiriirinaya shaqada uu dhawaan baneynayo Xavi ee Barcelona.

Xavi ayaa shaaciyay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kadib dhacdadaas Tuchel ayaa si maldahan u sheegay in uu tababare u noqon doono hadii uu fursad u helo.

Si kastaba ha ahaatee, Bayern ayaa hadda meesha ka saartay wararka Tuchel la xidhiidhinaya Barcelona iyaga oo sheegay in hadalka la khalad fahmay.

“Axadii, iyada oo qayb ka ah booqasho koox taageere ah, tababarahayaga Thomas Tuchel waxa ay taageerayaashu waydiiyeen xirfadiisa tababarenimo iyo waayo-aragnimadiisii ​​​​hore ee dibadda ee Paris Saint-Germain iyo Chelsea, si dabiici ah ayuuna u bixiyay macluumaadka arrintan intii lagu jiray doodda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

‘Waxa uu sidoo kale ka jawaabay su’aalaha guud ee taageerayaasha Spain ee ku saabsan waddan kubbadda cagta ah. Waligiis kama uusan hadlin Xavi Hernández iyo bedelkiisa, sida lagu sheegay wararka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga