Bayern Munich Oo Guuldaro La Kulantay Bundesliga Markii Ugu Horaysay Tan Ilaa November 2019.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa guul lama filaan ah ka gaadhay kooxda Bayern Munich kulan ka tirsanaa Bundesliga kulan ay kooxda Eintracht Frankfurt daqiiqadii ugu dambaysay dhalisay goolka guusha.

Eintracht Frankfurt ayaa Bayern munich ka gaadhay guusheedii ugu horaysay muddo 21 sano ah iyaga oo ka joojiyay 9 guul oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Bayern Munich ayaa guuldaro kala kulantay garoonkeeda Allianz Arena markii ugu horaysay tan ilaa November 2019 markaas oo ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Bayer Leverkusen.

Kooxda Bayern Munich ayaa wali hogaaminaysa horyaalka Bundesliga iyaga oo 16 dhibcood ka helay 7 kulan oo ay ciyaareen inkasta oo ay la kulmeen guuldaradeedii ugu horaysay ee Bundesliga.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*