Bayern Munich Oo Fariin U Dirtay Cristiano Ronaldo Kadib Markii Ay Barcelona Kala Heshiiyeen Iibka Robert Lewandowski

Bayern Munich ayaa mar kale ku celisay inaysan la soo saxiixan doonin Cristiano Ronaldo kadib markii ay Barcelona kala heshiiyeen iibka Robert Lewandowski.

Kadib wadahadalo todobaadyo qaadatay kooxda Bayern Munich ayaa ugu dambayn ogolaatay in ay Barcelona ka iibiso xiddiga Robert Lewandowski.

Maamulaha guud ee kooxda Bayern Munich ee Oliver Kahn ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Barcelona ka iibin doonaan xiddiga Robert Lewandowski.

Laakiin agaasimaha ciyaaraha ee Bayern, Hasan Salihamidzic, ayaa u sheegay Sport1 in ayna jirin fursad ay Bayern Ugu dhaqaaqi doonto xiddiga Ronaldo.

“Waxaan ixtiraam badan ugu hayaa Cristiano Ronaldo, guulihiisa iyo xirfadiisa ciyaareed,” Salihamidzic ayaa yidhi.

“Laakiin mar labaad ma jirto mawduuc Cristiano ah oo laga hadlay”ayuu sii raaciyay.