Bayern Munich Oo Dalab Cusub Ka Gudbinaysa Luis Diaz.

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay bixiso ilaa 70 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Luis Diaz.

Bayern ayaa ka shaqaynaysa soo dalab cusub oo ay ku doonayso xiddiga ay doonayso Liverpool kadib markii laga soo diiday dalab 58.5 milyan ah.

Kooxda heysata horyaalka Premier League mawqifkeeda ayaa ah in Diaz uusan iib ahayn laakiin taasi way is beddeli kartaa iyadoo ku xiran hadba inta ay Bayern dalabaadka sarre ugu qaado iyo haddii ay heli karaan bedel ku habboon.

Bayern ayaa rajeyneysa in dalabka cusub uu ku filnaan doono Liverpool inay aqbasho inay lumiso xiddiga reer Colombia kaasoo u furan tartan cusub oo ka baxsan Anfield.

Reds ayaa faa’iido weyn ka heli doonta Diaz haddii ay aqbasho 70 milyan oo euro marka loo eego in ay ka soo bixisay 37 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga