Bayern Munich Oo Chelsea U Furtay Wado Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Kai Havertz & Sababta Oo Ay Sharexeen.

Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay uga bexeen tartankii ay ugu jireen saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Kai Havertz ayaa si weyn loola xidhiidhinayay koox badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Man United, Chelsea, Liverpool iyo Bayern Munich.

Laakiin Kooxda chelsea ayaa haatan ah kooxda ugu cad-cad helitaanka saxiixa xiddiga reer Germany ee Kai Havertz inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Uli Hoeness oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Waxa aan hubaa kadib markii aan la soo saxiixanay Leroy Sane in aanan samayn doonin saxiixyo waaweyn oo kale”.

“Sidaas darteed lama soo saxiixan doono Kai Havertz sababta oo ah waxa aan helnay Leroy Sane Go’aankaas wax xidhiidh ah lama lahan tayada Kai Havertz maxaa yeelay waa xiddig cajiib ah”.

“Laakiin way adagtahay in aan 50, 70 ama 80 milyan oo euro ka bixino saxiixa Kai Havertz iyada oo lagu jiro wakhtiga Korona”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*