
Shaki kuma jiro in ay fursadiisa ka qeyb galka kulamada Real ay sii yaraatay , waxa ayna haatan taasi keentay in koox kala duwan soo hamiyaan saxiixa Eder Militao.
Bayern Munich ayaa si dhab ah ugu soo biirtay xiisaha loo qabo daafacaas Real , waxa ayna xariir la sameeyeen wakiilkiis iyo kooxda xilli aan la helin qiimaha ay ka geeyeen.
Eder Militao ayaa haatan ah dooqa afaraad ee Zidane waxa uuna ka hooseyaa Ramos , Varane iyo Nacho.
Munich haatan waxa ay u arkaan laacibkaan badelka David Alaba kaasi oo isna loo badinayo in uu ka tagayo kooxdaas
Alaba hishiiskiisa waxa uu dhacayaa xagagaa balse bishaan ayuu la hishiin karaa kooxda uu doonayo , waxaana kooxaha lala xariirinaya ku jirta Real Madrid .
Be the first to comment