Bayern Munich Mise Barcelona? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Guusha Gaadhi Doonta Wareega Xigana U Gudbi Doonta.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaalin ka bixiyay kooxda badin doonta kulanka sida weyn loo wada sugayo ee jimcaha dhexmari doona kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa soo dhaaftay kooxda Napoli markii ay soo gaadhaysay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa si fudud ku soo dhaaftay premier League ka ciyaarta ee Chelsea.

Kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona oo ah labada kooxood ee horay ugu soo guulaystay kooxaha haatan isugu hadhay tartanka ayuu midkood u gudbi doonaa wareega Semi-final-ka tartanka mid kalena ka hadhi doontaa tartanka.

Michael Owen oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay Bayern Munich ku jirto qaab ciyaareed fiican iyada oo uu waliba joogo Robert Lewandowski, Waxan saadaalinayaa in ay kooxda Bayern Munich u gudbi doonto Semi-final-ka kna badin doonto Natiijo 2/1 ah”.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*