Bayern Munich & Man City Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ka Heshiiyeen Saxiixa Leroy Sane.

Kooxaha Bayern Munich Iyo Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Leroy Sane sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Leroy Sane ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City isaga oo codsaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sports Bild ayaa shegaya in ay Bayern Munich ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Germany.

Sane ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Bayern Munich kaliyana hadhay in ay ka heshiiyaan labada kooxood.

Haatana wararka ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee Bayern Munich & Man City ka heshiiyeen saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*