Bayer Leverkusen Oo Kashiftay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Kai Havertz Codsaday In La Dhamaystiro Heshiiska Uu Ugu Biirayo Chelsea Todobaadkan.

Kooxda Bayer Leverkusen Ayaa sheegtay in ayna xiddiga Kai Havertz u ogolaan doonin uu ka tago kooxda toodbaadkan waliba kooxda u sii ciyaari doona ilaa inta uu ka dhamaanayo Europa League.

Kai Havertz ayaa si aad ah u doonaya in uu ku biiro kooxda chelsea xagaagan waxana uu xitaa doonayay in uu ku biiro Blues ka hor kulanka Europa League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Ranger.

Laakiin Agaasimaha kooxda Leverkusen Rudi Voller aya si cad u sheegay in uu Kai Havertz kooxda la dhamaysan doono Europa League ka hor inta uuna kooxda ka tagin.

Hadii ay Leverkusen gaadho finalka Europa League Kai Havertz ayaan chelsea ku soo biiir doonin ka hor 21 bisha August.

Agaasimaha Kooxda Leverkusen Voller ayaa sidoo kale sheegay in ayna jirin wax dalab Rasmi ah oo laga soo gudbiyay xiddiga 21 jirka ah.

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*