Bastian Schweinsteiger Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta, Miyuu Doortay Ronaldo & Messi.

Halyeeyga kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Bastian Schweinsteiger ayaa magacaabay shaxdiisa ugu fiican taariikhda kubada cagta isaga oo si lama filaan ah uga reebay xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Taa baddalkeeda, khadka dhexe ee ciyaaraha ka fariistay ayaa magacaabay afar ka mid ah asxaabdiisii hore iyo waliba dhawr xiddig oo ku guulaystay koobka adduunka.

Schweinsteiger ayaa goolhaye u magacaabay Manuel Neuer, kaasoo uu kula guuleystay Koobkii Adduunka 2014 ee Brazil. Neuer ayaa inta badan lagu tiriyaa inuu wax ka bedelay doorka Goolhayahan waxana uu ka qayb qaatay ku guulaysigii xulka Germany ee koobka adduunka markii 4-aad ee taariikhdooda.

Xiddigii hore ee Bayern ayaa u magacaabay kabtankii hore ee Philipp Lahm iyo Halyeeyga reer Brazil ee Roberto Carlos markii uu dooranayay xiddigaha ka ciyaara garbaha daafaca.

Halyeygii reer Germany ee Franz Beckenbauer ayuu u doortay daafaca dhexe kadib markii uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee ku guulaysta koobkaa dduunka isaga oo xiddig iyo tababare ah.

Halka uu daafaca dhexe kula weheliyay Daafaca kooxda Juventus iyo xulka Italy ee Leonardo Bonucci.

Schweinsteiger ayaa khadka dhexe u xushay Lothar Matthaus, kaasoo kabtan u ahaa West Germany markii ay ku guulaysteen koobka adduunka sanadkii 1990-kii halka uu khadka dhexe ku weheliyay xiddiga labada jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or Zinedine Zidane.

Xiddiga haatan ee kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayuu u doortay garabka weerarka sidoo kale waxa uu garabka kale u doortay xiddigii hore ee Bayern Munich iyo xulka France ee Franck Ribery.

Xiddigii hore ee Man United ayaa sidoo kale doortay xiddigaha Eric Cantona & Roberto Baggio halka uu shaxdiisa ku dhamaystiray xiddiga Barcelona ee Robert Lewandowski.