
Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoydiisa Arsenal ay ilmeeyeen kadib markii ay isaga hareen tartanka Champions League.
Kooxda Arsenal ayaa 3/1 looga reebay champions League kadib labadii kulan ee Semi-final-ka champions League.
Goolal ay dhaliyeen Fabian Ruiz Iyo Achraf Hakimi ayaa PSG ka caawiyay ay iska xaadiriso final-ka champions League.
“Maanta, waxaan arkaa inta ay rabaan (ciyaartoyda Arsenal) sababtoo ah way ilmeeyeen,” ayuu yiri Arteta.
“Sida aan u qeexayo waa sida aan ula hadlay iyaga oo ah sida aan dareemayo”.
Be the first to comment